Share the post "Degmada Laas caanood Dagaal & Duqeymo Kadib lagu Qabtay Xuska 26-ka Juun…"
Degmada xalay markii ugu horeysay looga dabaal dagay munaasabada 26-ka June, waxaa kamid ah Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo 48-saac ka horna Magaalada Daris la aheyd Duqeyn-madaafiiceed oo aan loo meel dayin oo Maleeshiyaadka Muuse Biixi burbur Xoogan xoogan u geysteen, Dagaalkaan ayaa galay bishii 7-aad…
Maamulka gooni goosadka la magac baxay Somaliland waa u niyas jab, wixii xalay ka dhacay Degmada Laascaano, wallow aysan awood u lahayn hakinta xafladaasi, Xuskaan ayeey Muwaadiniinta Gobolka Sool ugu soo beegmay, xilli labadii maalmood ee lasoo dhaafay Maleeshiyaadks Somaliland ay kordhiyeen Duqeynta & Madaafiicda ku hayaan Laascaanood, Maamulka Villa Somalia lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu baajiyo Dhiiga daadanaaya.
Halka Horjoogaha Maamulka Gooni goosadka Somaliland Muuse Biixi uu ku hadaaqay:-

Halka Xasan Garguurte oo riyo maalmeed ku jira uu sheegay oraahdaan:-

Somalia ayaa Maanta u dabaaldageysa Sanad guuraafii 63-aad ee Maalmaha Xoriyada oo ay ugu horeyso 26-ka Juun kuna xigi doonta 27-ka Juun Maalinta Xoriyada Djibouti iyo ugu dambeyntii 1-da Luuliyo Midowga Midnimada Somalia, Bahda Diinah.com News waxey hambalyo u dirayaan Shacbiga Soomaaliyeed merl kasta oo ay joogaan.