Kooxda Argagixisada Shababka Oo 5-Qof Ku Gowracay Bariga Kenya..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaano ku dhow Xadka Kenya iyo Somalia ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ay shan qof oo Rayid ah oo qaarkood qoorta ka jareen ku dilay Bariga Kenya, sida goob-joogayaal iyo ilo Amaan ah ay  sheegeen…

Weerarkaan ayaa dhacay Sabtidii abaaro 7:30 fiidnimo (1630 GMT) ayaa tuulooyinka Juhudi iyo Salama ee degmada Lamu, una dhow soohdinta Somalia, sida uu sheegay ilo-wareedka, Mid ka mid ah Dadka Degaanka oo lagu magacaabo Xasan Cabdul, ayaa sheegay in “Haweenka guryaha lagu soo xiray, Raggana ay amar ku bixiyeen, halkaasina lagu xiray xarig iyo laguna gowracay, kadibna lix guri burburiyay”.

Mid ka mid ah Ardayda Dugsiga Sare ee Degaanka ayaa ka mid ahaa shanta qof ee la dilay, Cabdul, isagoo intaas ku daray “Dhammaan dadkii la dilay qoorta ayaa laga jaray”,  Sidoo kale Ismaaciil Xuseen oo ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay in Dableyda ay xadeen raashin ka hor inta aysan bixin, isla markaana ay hubkooda cirka u ridayeen.

Maamulka Ruto ee Kenya oo muddo ku jiray inuu dib u habeyn ku sameeyo Hogaanka Hay’adaha Amniga si ay si wanaagsan wax uga qabtaan Weerarda joogtada noqday iyo khatarta soo gelitaanka maleeshiyaadka argagixisada ee Gobolada xuduudda la leh Somalia, ayaa ku howlan sidii ay xooga u saati lahaayeen ururinta xogta istaraatiijiga ah iyo ka hortaga weerarda joogtada noqday ee kooxda Shababka.

262740cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo 5-Qof Ku Gowracay Bariga Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com