Qorshihii Dajinta Dadka Asalkoodu ahaa Yuhuuda Ee Bariga Afrika…

Somalia news

Sanadkii 1903, ninkii loogu magac daray aabihii Sahyuuniyada, Theodor Herzl, ayaa talo ahaan u soo jeediyay Gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska ee Bariga Africa inay dhul siiyaan dadka Yuhuudda ah, si ay u dhistaan Dowlad laguna ilaaliyo…

Barnaamijka loogu magacdaray “Uganda scheme,” ayuu soo jeediyay kaas oo lagu codsanayay in dadka Yuhuudda dhul laga siiyo waddanka haatan loo yaqaano Kenya, inkasta oo magaca barnaamijkaas uu ahaa Uganda waxaa loola jeeday kenya sida ay qoreen Khubarada Taariikhda taxliiliya.

Dhanka kale Israel iyo Uganda waxaa dhexmaray xiriir balaaran oo dhinacyo kala duwan ah kaasoo soo bilowday 1950-kii inkastoo Dalka Uganda ay xornimadeeda heshay sanadkiii 1962-dii, Israa’iil waxay ka caawisay Uganda arimo ka mid yihiin wax beerashada iyo dhanka milatariga, sidoo kale shirkado laga leeyahay Israa’iil ayaa ka shaqo bilaabay gudaha Uganda, halka ardey Ugandes ah ay wax ka baran jireen gudaha israa’iil. Dhanka kale gudaha Uganda waxaa ku sugnaa dad badan oo Yuhuud ah.

Balse waxay wax walba is badaleen markii talada qabsaday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Gen.Idid Amin sanadkii 1972-dii ayaa wax walba is badaleen. Wuxuu dalka ka musaafuriyay guud ahaan Israa;iiliyiintii joogtay, Idi ayaa la sheegaa inuu Israa’iil taageero milatari balsa markii ay ka dhaga adeygeen uu ujeestay dhinaca Libya.

Wuxuu markaas kadib ka eryay dalkiisa 500 oo Israa’iiliyiin ah, wuxuuna jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Israa’iil 1972, Hadalo lagu tilmaamay naceyb ah oo ka dhan ah Israel ayuu marar kala duwan jeediyay isagoo sidoo kale muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waxa loogu magacdaray “Xalka ugu dambeeya” ee uu Hitler ku dilay in ka badan 6 milyan oo dadka Yuhuuda ah.

Taliskii Amin waxa uu sidoo kale bartilmaameedsaday Yuhuuda ku nool Uganda, isaga oo xiray macbadyo, waxa kale oo uu u geystay garaacis iyo xarig.

282360cookie-checkQorshihii Dajinta Dadka Asalkoodu ahaa Yuhuuda Ee Bariga Afrika…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com