Qoysas ka Barakacay Degaanadooda oo u Nuglaa Daadka markii ay maqleen Digniinta Dowladda ee El Nino..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa 365-Qoys oo deganaa xeryo ku yaalay Gobolada Hiiraan, Shabelle dhexe ayaa wajahaya xaalad adag ee nolosha ah sida Raashin la’aan, kadib markii ay ka barakaceen guriyihii ay ku noolaayeen cabdi ka soo wajahday digniinta El Nino…

Wararka ayaa sheegaya in Qoysaskan ayaa deganaa dhul biyo fariisid ah oo horay roobabka ay u saameyn jireen halka kuwo kale la sheegay in Wabiga Shabelle uu ku soo fatahay, haatana ay la tacaanayaan maareynta nolol maalmeedka, isla markaasna aysan jirin Cid gurmad u fidisay.

https://vm.tiktok.com/ZMjs4bsE4/

Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha ka shaqeeya ka digista khataraha ayaa soo saaray digniin la xiriirta halista roobabka El-niino oo ka curtay gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo la sheegay inay waddaan daadad saameyn ku yeelan kara dadka, inkastoo aysan diyaarin Qorshe (Plan B) oo Barakacayaasha gudaha wax loogu qabanaayo.

Warbixinta ayaa waxa sheegtay in Dadka waxyeeladu ka soo gaartay Fatahaada webiga ay u baahan yihiin Hoy, cunto, biyo nadiif ah iyo caafimaad, sidoo kale waxay shergeen in isu socodkii gaadiidka Dadweynaha iyo ganacsiga uu xiran yahay.

284910cookie-checkQoysas ka Barakacay Degaanadooda oo u Nuglaa Daadka markii ay maqleen Digniinta Dowladda ee El Nino..