Dekada Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Kunteenar ay ka Buuxaan Maandooriye ah..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa howlgal la fuliyay galinkii dambe ee Shalay kaasoo ka dhacay Dekada magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Konteenar ay ka buuxaan maandooriye aad u badan oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Taabuuga aadna Dhalinyarada u isticmaalaan…

Wararka ayaa sheegaya iney qabteen Maandooriyahaan Hey’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, Howlwadeenada ayaa gudaha dekadda ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuu ah, islamarkaana la doonayay in lagu dhex iibiyo gudaha magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Dalka.

Kunteenarkaan ay ka buuxaan maandooriyaha Taabuuga ayaa la sheegay in dekadda weyn ee magaalada Muqdisho iney kasoo dajiyeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaana gacanta lagu dhigay xilli la doonayay in dekadda laga bixiyo oo loo iib geeyo suuqyada kuyaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Maandooriyahaan Taabuuga oo ka mid ah daroogada noocyadeeda halista ku ah caafimaadka ayaa si weyn waxaa u isticmaala dhallinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana markii hore si toos ah looga soo dejin jiray taabuuga iyo maan dooriyaal kale dekada Muqdisho.

317190cookie-checkDekada Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Kunteenar ay ka Buuxaan Maandooriye ah..