Maxaa ka Run ah in Xoogaga Amaanka Ee Hargeysa Oo Xabsiga u Taxaabay Fanaanad Jirdilna u Geystay…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Somalia ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay xalay Xabisiga u taxaabeen Fanaanad caan ka aheyd Degaanada Dalka, iyadoo lagu eedeeyay iney wax ka sheegtay Heshiiska uu Maamulka ugu oggolaaday Ethiopia Xeeb…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka Hargeysa ay xalay ka qabteen Fanaanada Ugbaad Maxamuud Cabdi alias Ugbaad Aragsan oo xiligaasi ku sugneyd meherad ganacsi oo ay Fanaanadu ku laheyd magaalada Hargeysa, isla markaasna ay jir-dil u geysteen intii howlgalka qabashada uu socday.

Boliiska ayaa ku eedeeyay Fanaanada iney faafineysa dhaqmo xun oo Diinta Islaamka ka horjooda, iyadoo Dhawaaqaan loo arko mid lagu xalaaleysanaauo xariga Fanaanada oo runtii kamid aheyd Muwaadiniinta aadka uga soo horjeestay Heshiiska uu Maamulka la galay Ethiopia iyo Dhaqamada Oromada ee Degaanada Waqooyiga la yimaadeen.

321740cookie-checkMaxaa ka Run ah in Xoogaga Amaanka Ee Hargeysa Oo Xabsiga u Taxaabay Fanaanad Jirdilna u Geystay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *