Dembiyada Kufsiga Oo Ku Soo Kordhaaya Xeryaha Barakacayaasha Muqdishu

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa laga helayaa Dembiyada kufsiga ee loo gaysto haweenka barakacayaasha ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo kordhaayay xeryaha barakacayaasha ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho….

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in dal Dhacay Toddobaadkan uu noqday midkii ugu dambeeyay ee Dabley hubeysan ay xilli habeen ah hooyo uur laheyd kala baxeen xero barakacayaasha degan yihiin oo ku taala Degaanka Garasbaaley, kadibna ay kufsadeen.

Madaxa Xarunta Haweenka & Dhallaanka (SSWC), Aamina Xaaji Cilmi ayaa xaqiijisay in muddooyinkanba uu kufsiga ku soo badanayay xeryaha barakacayaasha, “Waxaad mooddaa in ayaamahaan ay soo kordheyso, ayadoo sababta la xiriirta aan is dhihi karno waa laba arrimood.” Ayay tiri.

Dadka soo baracakay ee Magaalada Muqdisho waxay u dhaxeeyaan Xamar iyo Afgooye, inta dhexdooda ayay daadsan yihiin. Mar walbana waala sii durjiyaa dadka, oo markii dhulka dadkii lahaa u baahdo, dhul dowladdu leedahay ma degana, dhul ay leeyihiina ma degana, waa dad soo barakacay meeshii bannaan oo markaas u sahlanaatee dadka iska deggaan, ka dib markii loo baahdana waa laga durjiyaa”.

88690cookie-checkDembiyada Kufsiga Oo Ku Soo Kordhaaya Xeryaha Barakacayaasha Muqdishu