Qorqor Oo Shuruudo Ku Siidaayay Wariysyaasha Uu Xirtay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Odayaal iyo Waxgaradka degaanka oo dadaalo badan u galay sidii xoroyadooda dib loogu soo celin lahaa Labada Wariye oo uu xirtay Mr.Qorqor Madaxa Maamulka Galmudug….

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in labada Wariye (Cabdullahi Warsame Rooble iyo Maxamed Cabdiweli Tooxow), laga dalbaday inaanay wax macluumaad ahi oo ku aadan sii deyntooda la wadaagi karin Warbaahinta iyo ineysan baahin karin warar lidi ku ah Maamulka Qorqor (Dalalka Farmaajo).

Howlwadeenada Xafiiska Madaxtooyada ayaa la sheegay iney wariyayaaaha ugu hanjabeen in loo masaafurin doono Magaalada Mogadishu lagu ciqaabi doono, talaabadaan waxay qayb ka tahay cabsi gelinta iyo caburinta xoogga lihi ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Maamulada Gobolada Ee taageersan ku hayaan bahda Saxaafadda.

Dalka Somalia waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida wadamada ugu halista badan dunida ee Saxafi uu ka hawlgalo, iyadoona loogu gaysto cago-jugleen, xarig, jirdil iyo weliba dil.

88650cookie-checkQorqor Oo Shuruudo Ku Siidaayay Wariysyaasha Uu Xirtay