Deni & Hogaanka PSF Oo Kulankii 2-aad Yeeshay Inkastoo Aan Heshiis Guud la Gaarin & Sababaha..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulan 2-aad oo todobaadkaan ay yeesheen Madaxweynaha Maamulka Puntland & Agaasimaha Hey’adda PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano, kaasoo loo doodaayo qodobo dhowr ah oo lagu dhameynaayo Khilaaf muddo dheer soo taagnaa..

Xogaha ayaa tilmaamaya in Kulankaan oo baaqday Khamiistii tagtay kadib markii muran iyo khilaaf uu soo kala dhex galay Agaasimaha iyo Madaxa Ilaalada Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe kuna aadan in Ilaalada la socota Agaasimaha lagu reebo Isbaarada laga galo Madaxtooyada taasoo uu ka biyo diiday Agaasimaha kana laabtay, inkastoo ay xurguftaan ay dhameeyeen Mr.Cumar Cabdirashiid iyo Mr.Asad Cusmaan iyo Mr.Deni.

Qodobada Xalka u Baahan:-

Inkastoo Dagaal dhiig badan ku daatay uu dhex maray labada dhinac kaasoo ka dhacay Gudaha Magaalada Boosaaso, kaasoo aan guul laga gaarin hadana Qodobada xal u baahan ayaa waxaa ka mid ah:-

-In la kala qaado Xoogaga Hubeysan ee isku hor fadhiya magaalada Boosaaso, Khasaaraha ka dhashayna qiimo ahaana u bixiyo Mr.Deni.

-Dib u Howlgelinta Hey’adda PSF loona madax baneeyo iney xiriir la sameyso Hey’adaha Sirdoonka reer Galbeedka.

-Ka heshiinta Shirkad Macdanta ah oo ka hawlgalaysa Xaafuun, Xoogaga PSF laga soo qaado Degaankaasi.

-Shirkad Cusbada ah oo laga hirgelinaayo Hurdiya/Xaafuun iyo saamiga siman ee Dhinacyada.

-Xoogaga PSF dib loo howlgeliyo Xuquuqdii 2-3 sano ee u dambeysay ka maqan laga heshiiyo.

-In Dhaqaale joogto ah Boqorka Dekeda laga siiyo.

308100cookie-checkDeni & Hogaanka PSF Oo Kulankii 2-aad Yeeshay Inkastoo Aan Heshiis Guud la Gaarin & Sababaha..