Ma Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu ku Wajahan yahay Magaalada Kismaayo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu maanta safar u yahay magaalada Kismaayo, kadib markii muddo dib u dhigaayay, iyadoo ujeedada ugu weyn ayaa lagu tilmaamay iney sidii Madaxweynaha Jubbaland uga qeyb qaadan lahaa Ololaha Wax ka bedelka Dastuurka…

Ilo wareedyo ayaa daaha ka rogaaya in Madaxweynaha Jubbaland uu aad uga careysan yahay fara gelinta Madaxtooyada Villa Somalia ay ku heyso Shaqada Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka oo Todobaadkii u dambeeyay Saaxada Siyaasada ka gaabsaday, Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Mr.Axmed Madoobe ka raba inuu cambaareeyo Heshiiska Is-Afgaradka ee Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

Dhinacyadaan ayaa lagu wadaa iney ka tashadaan sida laga yeelaayo hadii ay dhawaan sii dayso Maamulka Puntland qoraal luqad adag ku qoran oo ka dhan ah wax ka bedelka Dastuurka Somalia, kaasoo marka hore Golaha Wakiilada Puntland soo saaraan qaraar ay ku go’aayaan kadibna Maamulka Deni ku dhawaaqo iney ka go’een Somalia.

308130cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu ku Wajahan yahay Magaalada Kismaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com