Dowlada Federaalka Oo soo Bandhigtay Eedaha loo Heysto Wariye la xiray

Somalia news

Kadib doorashadii Madaxweynaha Somalia, Dad badan ayaa u heystay in laga reeysan doono Maamul xumadii iyo ku tumashada sareynta Sharciga ee Maamulkii Farmaajo, iyadoo durbadiiba Maamulka cusub uu ku dhiiraday inuu xiro Wariye u dooda Xuquuqda Wariyayaasha isla markaasna soo bandhigaan Eedo culus oo loo heysto…

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Xoghaya ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumim aan loo xirin eedo la xiriira shaqadiisa Saxaafadda ee loo heysto eedo ku saabasan arrimo amni sida lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo aan fasiraad buuxda ka bixin rasmi ahaan eedaha loo heysto.

Hey’adda Amnesty International Africa ayaa walaac ka muujisay talaabadaan, iyadoo xiligaan ay mar kale Hey’adda Amaanku ku sifooday iney noqdaan Aalad ay Siyaasiyiintu Muwaadiniinta ku cabsi geliso, isla markaasna xoriyada ka qaada Wariyayaasha iyo Dadka kale, Dhaqankaan ayaa caan waxaa ku ahaa Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo.

Wariyaha ayaa Bartiisa Tweeter-ka soo dhigay muuqaal muujinaaya Koox ka tirsan Xoogaga Amaanka NISA oo sifo aan sharci aheyn ku galay hooygiisa, waxaana hogaaminaayay Madaxa NISA ee Degmada Howlwadaag Mr.Shakiib oo horey uga tirsanaa kooxda Argagixisada Shababka.

218640cookie-checkDowlada Federaalka Oo soo Bandhigtay Eedaha loo Heysto Wariye la xiray