Sareynta Sharciga & Bililiqada Loo Geystay Hoyga Sarkaalka la Qabtay Meel ma wada Galaan…

Somalia news

Maamulka Hasan Gurgurte ayaa ku faanay iney soo qabteen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka oo gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo isku dhaf ah, kuwaasoo xadgudub dhanka Sharciga ah u geystay Muwaadinka la qabtay isla markaasna bililiqo baahsan loo geystay Hoygiisa…

Weerarkaasi ayaa kadhashay falcelin caro badan xambaarsan, iyadoo sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka oo ku lug yeeshay iska horimaad culus oo ka dhacay hoygiisa ee magaalada Muqdisho, Saraakiisha Amaanka ayaa la sheegay in Muwaadinkaan ay ku eedeeyeen inuu bilaabay Dagaalka.

https://vm.tiktok.com/ZM2ocHd2k/

Dhaqankaan xun ee ka baxsan Sareynta Sharciga ayaan aheyn markii ugu horeysa, iyadoo horey Duqa Magaalada Mogadishu uu gacantiisa ky fuliyay Ciqaabta Dhalinyaro iyo Amarka khaldan oo tiro Lo’ah oo la gowracay, Muuqaalada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa u muuqan kuwa u adeegaya Sareynta Sharciga iyo in Askarta qaarkood ay ku dhawaaqaayeen in Shuuto (Garsoore Maxkamad Ciidan) loo geeyo Macnaheedu yahay (Kawaanle Dadka Dila).

https://x.com/laila_hussein21/status/1692910350365065517?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

Khubaro badan ayaa aaminsan in la dulmiyay Muwaadinkaan isla markaasna Hey’adaha Amaanka ay ka gaabiyeen in la ilaaliyo Hoygiisa iyo Hantidiisa, Sidoo kale waxaa baraha bulshada isqabsaday Muwaadiniin iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda beesha uu Sarkaalku ka soo jeedo, kuwaasoo si caro leh uga falcelinaya xariga loo geystay iyo inuusan dhici laheyn haddii uu ahaan lahaa qof ka soo jeeda beelaha hubeysan.

272760cookie-checkSareynta Sharciga & Bililiqada Loo Geystay Hoyga Sarkaalka la Qabtay Meel ma wada Galaan…