Farmaajo Oo Laga Dalbaday Raali-gelin Ku Aadan Ciidamada Caburinta

Somalia news

Maamulka Farmaajo ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ayaa lagu Eedeeyay Inuu u adeegsanaayo Xoogaga Amaanka Iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Caburinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed, si qasab loogu hor istaago Dibadbaxayaasha Dalbanaaya Doorasho Wadar oggol ah…

Maanta 27-ka december 2020 Waxaa ku eg Muddo xileedka Golayaasha Baarlamaanka, iyadoo Mr.Farmaajo ay u harsan yahay 43-maalmood, ilaa haddana ma muuqato Doorasho la isla oggol yahay inuu Dalku ka dhacdo, wuxuuna yaqiinsaday inuusan dib u soo laabaneynin hadii la qabto Doorashada.

Midowga Musharixiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed ayaa cod dheer ku dalbanaaya in Dowladda Federaalka iney Raalin gelin ka bixiso Falkii Gabdhaha Soomaaliyeed ee Hubka iyo Awoodaha Dowladda loogu aseegsaday, iyagoo banaanbax nabadeed aragtidooda ku cabiraaya sida uu qabo Dastuurka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa ka sheegay Shirka ka furmay Magaalada Garoowe “ Somalia laba wado ayaa u furan in Doorasho la galo (Sida ay Dowladda u rabto) iyo in dagaal lagu hoobto uu dhaco.

82340cookie-checkFarmaajo Oo Laga Dalbaday Raali-gelin Ku Aadan Ciidamada Caburinta