Xogta:-Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in koox ku hubeysan Bastoolado ay dil u geysteen (Marxuum) Nabadoon caan ka ah degmadaas iyo nawaaxigeeda, kadibna ka baxsaday goobta…

Wararka ayaa sheegay in Nabadoonka lagu magacaabi jiray Shariif Xasan Allow oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Degmada, iyadoo falka Dilkaani ay geysteen Dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan, goor dambe ayaa waxaa goobta soo gaaray Xoogaga Amaanka Degmada, iyadoo falka dilka ah ay aad uga naxeen Dadka Degaanka.

Falalka Dilalka Qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaalada Afgooye, ayaa waxaa sheegta maleeshiyaadka kooxda Shababka, kuwaasoo horey u dilay Nabadoono, Howlwadeeno iyo Saraakiil, Maamulka iyo Laamaha Amniga Degmada ayaanan ka hadlin dilka Nabadoonka oo aysan jirin cid sheegatay.

211750cookie-checkXogta:-Nabadoon Lagu Dilay Degmada Afgooye
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com