Deni Oo Kulan u Qabanaaya Ururada ku Taageersan Muddo Kordhinta Maamulkiisa..

Somalia news

Iyadoo ay Shacbiga Degaanada Puntland welwel ka muujinayaan hananka loo wajahaayo Khilaafka gaamuray ee Doorsahada ka dhashay iyo oggolaashaha muddo kororsiga 2-da sano ee uu Maamulka Dani muddo ku riyoonaayay, wuxuuna ugu baaqay Kulan wada Tashi 4-Xibsi…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xisbiyada Beeleeysan ee Mustaqbal, Ifiye, iyo Sincad ay Jaal kula ah Xisbiga Kaah ee Dani in Mudada loo kordhiyo ayaa lagu wadaa in kulan wada tashi yeeshaan, si ay ugu muujiyaan taageeradooda ku aadan muddo kordhinta 2-sano isla markaasna aan wada tashi laga gelin Odayaasha Beelaha iyo Qeybaha Mucaaradka.

Ururada Taageersan Dani:-

Ururka Ifiye, waxaa ku bahoobay Tiro Dhalinyaro ka soo jeeda degaanka Gardafuu, iyadoo Degaanka la sheegay iney Maraakiib kuwa jiraafka ee Shisheeyaha qeylo dhaan ka keenay.

Ururka Sincad, waxaa iska leh Ganacsade heysta Dhalashada USA, (Maxamed Khaliif Jabiye) oo Beel ahaan Ka soo heeda Beesha Deni, waxaana la sheegay in dano ganacsi ka dhaxeeyo Qoyska Dani.

Ururka Mustaqbal:-

Ururkaan oo laba u kala jabay, iyadoo Gudoomiyihii iyo kuxigeenkiisa ay la safteen Ururka Kaah ee Dani halka inta kale uu hormuudka u yahay afhayeenka Ururka ay ka soo horjeesteen in la ka shirkoobo Xisbiga Deni.

282470cookie-checkDeni Oo Kulan u Qabanaaya Ururada ku Taageersan Muddo Kordhinta Maamulkiisa..