Ma Dhabaa in Maamulka Somaliland ay Maleeshiyaad soo Gelisay Buuraleyda Galgala & Sababta..

Somalia news

Macluumaad Sirdoon oo welwel xambaarsan ayaa ka digaaya iney isku milmeen Maamulka Beeleysan ee Waqooyiga Dalka (Somaliland) iyo Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo ay soo shaac baxaayaan dhaqdhaqaaqyo halistooda wata oo u muuqda kuwa isku xiran oo kuna wajahan Degaanada Puntland iyo SSC-Khaatumo…

Xogtaan ayaa xaqiijineysa in maalmihii u dambeeyey kooxda Argagixisada Faraca Shababka ee kusugan Buuraleyda Galgala lagu biiriyay Maleeshiyaad cusub oo laga soo abaabulay Magaalooyinka Hargeysa iyo Ceerigaabo, kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaasay 250 aadna u hubeysan, kuwaasoo qaarkoid laga soo uruuriyay Beelaha H/Awal, H/Jeclo iyo kuwa Shababka.

Ujeedadooda kooxdaan ayaa xogtu tilmaameysa iney isku diyaariyaan weeraro ay ku qaadan Fariisimada Xoogaga Difaaca Puntland iyo Khaatumo ee kusugan buurahan iyo iney weerar ku qaadaan Ilaha dhaqaalaha ee magaalooyinka, waxaana abaabulka wada Mr.Nuux Taani iyo tiro Horjoogayaal ah ka tirsan Shababka oo Waqooyiga ka soo jeeda.

Dhinaca kale degaanada Oog iyo Qorilugud ayaa la sheegayaa iney Maamulka Somaliland ka wadaan dhaqdhaqaaq Ciidan iyo Maleeshiyaad, waxaana yoolku yahay in goobaha qaarkood, gaar ahaana Degmada Buuhoodle loo rogo dagaal Beeleysan, halka agagaarka Gumeysna mashquulin laga sameyn doono, iyadoo Degmada Ceerigaabo ay ka wado abaabul dagaal, taasoo ay ula jeedo furimaha oo ay badiso.

282440cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Somaliland ay Maleeshiyaad soo Gelisay Buuraleyda Galgala & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com