Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Fashilka Shirka

Somalia news

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo saaka shir jar’aaid ku qabtay Dhuusamareeb ayaa faahfaahin ka bixiyey shirka wada-tashiga ee ka socday magaaladaasi, laguna kala tegay…

Axmed Madoobe ayaa marka shaaca ka qaaday inay saameeyeen waxkasto oo tanaasul ah, balse uu ka hor yimid Madaxweynaha.

“Waxaan isku deynay wax kasto tanaanul ah oo aan sameyn karo, waxaan soo jeedinay oo kal haddii ay sidan tahay bal arrinta doorashada in loo kaadiyo oo dib heshiisiin la galo gobolka Gedo oo dhan hala-galo, ciidamadana ha la’isku dhafo.” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in si aad ag la’isugu qabtay arrinta Gedo, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey oo ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

“Haddii ay Jubbaland magacaabeyso guddiga iyo odayaasha hasoo jeediyeen, haddii magacaabista Jubbaland ku lug leedahay ma’aqbalayo ayuu yiri madaxweynuhu,” ayuu markale ku yiri shirkiisa Jaraa’id Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan soo magacaabi doonin guddiga doorashada ee Jubbaland illaa laga xalinayo arrintaasi, loona daaynayo maamulka Garbahaarey.

“Ma kari karo marka anigu guddi inaan qatar geliyo laleeyahay guddoomiyihii ay la shaqeynayey haddaad magacowdo dhib ayaa ka imaanayo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu Madaxweynuhu isku soo kooban hal degmo, islamarkaana uu ka tegay mas’uuliyaddii loo igmaday ee Qaranka.

“Haddaba sidee Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday seebuu Somalia u xukumi karayaa haddii hal degmo uu sheegtay oo yiri anaa leh oo anaa kasoo jeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

92490cookie-checkMadaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Fashilka Shirka