Deni Oo Safar Qarsoodi ah ku tagay Thialand & Mushaar la’aanta Ciidamada iyo Shaqaalaha Puntland…

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa la sheegay iney ka soo yeereyso qeybaha Xoogaga Amaanka gaar ahaan kuwa PMPF iyo Shaqaalaha Rayidka kuwaasoo mushaharaad aan Maamulka Deni siinin Bilihii u dambeeyay, iyadoo Madaxweynaha Maamulka la sheegay inuu Safar qarsoodi ah Kaluumeysiga ku saabsan u tagay Dalka Thailand…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in sababaha Dhaqaale yarida heysata Maamulka lagu micneeyay laba arrimood oo is-biirsaday:-

-Shirkada gacanta ku heysa bixinta Dhaqaalaha PMPF oo cabasho ka keentay in Maamulka uu Ciidamadaan u adeegsaday Dagaal sojeeye oi ka dhacay magaalada Garoowe ku dhinteen 30-Qof oo Caruur iyo Haween ay ku jiraan.

-Maamulka Dani oo Dhaqaale kabis ah oo ay ka heleen UAE u isticmaalay dano Siyaasadeed oo uu ku doonaayay hirgelinta muddo kororsi xilkiisa ah.

Dhanka kale, Mr.Dani ayaa la sheegay inuu Safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Bankok ee Dalka Thailand, isagoo kulamo qarsoodi ah la leh Shirkadaha aan tirada laheyn ee ku howlan Kaluumeysiga sharci darrada ah, iyadoo Wasaarada Kaluumeysiga ay bishii hore soo saartay digniino la xiriira Jiraafka Sharci darrada ah.

276160cookie-checkDeni Oo Safar Qarsoodi ah ku tagay Thialand & Mushaar la’aanta Ciidamada iyo Shaqaalaha Puntland…