Maxaa Ku Riixa Madaxda Siyaasada Isbedelka Hanaanka Madaxtinimada Dalka Wada Tashi la’aan..

Somalia news

Hogaamiyayaasha Siyaasada Xiligaan waa isku midab marka la gaaro muddo-dhamaadka xileedkooda ee Hogaanka Dalka, waxeyna u muuqdaan kuwo aan cashar ka baran kuwii ka horeeyay, iyagoo dib u cuna horumarka yar ay gaareen intii ay talada hogaanka u hayeen, waxaana ku dhaca miyir beel siyaasadeed oo isaga qasa Danta guud iyo midiisa gaar ah..

Dhawaan ayaa Xasan Gurgurte uu soo saaray qorshe isbedel hanaanka madaxtinimada Dalka, iyadoo la baabi’inayo kursiga Wasiirka 1-aad, loona guurayo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen, Qorshahaan oo aan la tashi la gelin ayaa diidmada arrintaan la xiriirta ayaa gaartay dhinac walba oo kamid ah Daneyayaasha kooxaha Siyaasada Dalka iyo Shacbiga, iyadoo Dhinacyada diidan Qorshahaan ay iskugu jiraan Xilal sugayaal iyo Xubno ka tirsan Maamulka Villa Somalia.

Maxey yihiin Arrimaha ay Iska Dhaadhiciyaan Siyaasiyinta Hogaanka haysa:-

-Hogaamiyayaasha Siyaasada Xiligaan ayaa iska dhaadhiciya iney Awood Ciidan u adeegsadaan si ay Danahooda iyo difaaca Kursiga, isagoo og in Shacbigu wada Hubeysan yahay.

-Garabyada Mucaaradka oo ay u sawiraan Dembi iyo dhibaato Qaran laga dhigo & Hey’adaha Amaanka oo loo adeegsado wax lagu caburiyo.

-Fahamka Shacbiga oo si joogto ah loogu gefo, Wadooyinkana laga xirto, Hogaanka Villa Somalia wuxuu iska dhaadhiciyaa in Shacbigu uu taageerasan yahay isagoo og in arrintaasi waxba ka jirin.

-Kalsoonida Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka Dhalinyarada, Siyaasiyiinta Xiligaan ayaa caan ku ah iney Dhaqaalaha boobaan shaqo bixinta Eex ku saleeyaan talabadaan ayaa ka dhigta in Dalku uu noqdo kan Aduunka ugu hooseeya Dhalinyaradii Dalka ay Tahriib iyo iney shaqo u raadsadaan Kooxaha Argagixisada.

-Been ma sheegayaasha ku magacaaban La-taliyayaal, Horgalada Siyaasada Xiligaan waxey ka dhuuntaan Muwaadiniinta runta u sheega, iyagoo soo dhaweysta Been ma sheegayaal u tababar in xaqiiqda laga ilaaliyo Horgalka. Sida Waa lagu jecel yahay, Waa laga cabsadaa Iyo in Shacbigu aysan rabin Mucaaradka, Arrimahaan ayaa Dalka u diiday inuu gaaro Horumar dhinac kasta ah iyadoo Hogaanka Dalka oo doorasho laaluush ku dhisan ku soo baxay uu Dalka u afduubnaado 4-sano.

284330cookie-checkMaxaa Ku Riixa Madaxda Siyaasada Isbedelka Hanaanka Madaxtinimada Dalka Wada Tashi la’aan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com