Ma Dhabaa in France & UAE ay Ku Howlan Yihiin Qoriska Calooshood u Shaqeystayaal oo Somalia & Yemen loo Diyaarinaayo..

Somalia news

Xogo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Dowladaha France iyo UAE ay ku howlan yihiin Qorshe ay ku uruurinayaan Xoogag calooshood u shaqaystayaal ah oo tiradooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 3-4,000 kuwaasoo loo adeegsan doono Danaha Dalalkaan ay ka leeyihiin Dalalka Somalia iyo Yemen…

Xubin hore oo ka tirsan Xoogaga The French Foreign Legion (French: Légion étrangère) ayaa laga soo xigtay in UAE ay weydisteen Saraakiil hore oo ka tirsan Xoogagaan ay soo uruuriyaan isla markaasna diyaarinayaan Calooshood u shaqeysatayaasha ajaaniibta ah una badan Qaarada Africa, kuwaasoo ay tababari doona Saraakiil Faransiiska u dhalatay Mushaarkooduna noqon doono bilaha hore 3000-US$ bishiiba.

Nidaamka qorista Xoogagaan ayaa bilaabanaya July 2024 wuxuuna dhamaanayaa bartamaha 2025, Xoogagaan calooshood u shaqaystayaasha ah waxa ay toos u hoostagayaan Wasaarada Gaashandhigga UAE, iyadoo laga qori doonaa Dalalka Qaarada Africa, Latine America, UAE ayaa la sheegay sidoo kale in ay raadinayaan Saraakiil khibrad sare u leh tababarida calooshood u shaqaystayaasha ah.

Xuuraanka ayaa xaqiijinaaya iney Xoogagaan ay ka howlgeli doonaan degaanada Berbera, Boosaaso & Kismaayo oo UAE ay xiriir toos ah la leeyihiin Maamulada ka dhisan Goboladaasi kuwaasi oo si hordhac ah u oggolaaday in Xoogagaan ka howlgalaan degaanadooda, ku darsoo Hadii Libya, Yemen iyo Sudan aad ku ogeyn (Muwaadinow) in UAE ay burbursay waxaa sugtaa in Dagaal sokeeye mar kale ka shidaan degaanadaan (Jubbaland, Puntland iyo Somaliland) kana bilaabi doonaan, iyagoo (UAE) ka soo dejin doonto Gadiid dagaal dekedaha Degaanadaasi (Faanoole Fari kama qodna).

315070cookie-checkMa Dhabaa in France & UAE ay Ku Howlan Yihiin Qoriska Calooshood u Shaqeystayaal oo Somalia & Yemen loo Diyaarinaayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com