Xoogaga Xutiyiinta & Ururka Al-Qaacida oo Heshiis ka Gaaraay iney Maraakiibta Badda Cas..

World

Macluumaad Xuuraan ayaa daaha ka rogaaya in Kulamo xirir ah oo ay yeesheen Ururka Shiicada ee Ansarullah (Xuutiyiinta) iyo Faraca Yemen ee Ururka Al-Qaacida ayeey ku heshiiyeen iney weeraro joogto ah ku qaadaan Maraakiibta Ganacsiga, Xamuulka, & Shidaal ee Israel, UK iyo USA..

Sida ay ilo wareedyo loo qaateen sh tilmaameen Kulamadaan waxaa qeyb ka ahaa Culumaa’udiin Daacada u ah Kooxda Ansarulaah, iyadoo lagu booriyay Hogaamiyayaasha Kooxdani iney balaariyaan “Wajibaadka Sharciga ah” kana qeyb qaataan howlgalada Jihaadka, iyadoo la sheegay in Hogaamiyayaasha Faraca Yemen ee Al-Qaacida ay oggolaadeen iney qeyb ka noqdaan dagaalka.

Dowlada Yemen ayaa oo taageerada ka hesha Dalalka Sacuudiga iyo UAE ayaa ku eedeysay Xoogaga Xuutiyiinta iney dhawaan magaalada Cadan ku khaarijiyeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Qaacida oo ka horyimid qorshahooda, Ururka Xisbullah ayaa Isbaaro u dhigtay Maraakiibta Ganacsiga ee Dalalka Israel, UK iyo USA iney marasn marinka Bab al Mandab.

Dalka Mareykanka ayaa ka codsaday Mas’uuliyiinta China iney culeys ku saaran Dowlada Iran iney xakameyso Kooxda Xuutiyiinta oo inta badan Dalka Yemen gacanta ku haya, kuwaasoo Cunaqabateyn ku soo rogay Maraakiibta Ganacsiga, kuwa Shidaalka ee Dalalka Israel, UK & USA.

303940cookie-checkXoogaga Xutiyiinta & Ururka Al-Qaacida oo Heshiis ka Gaaraay iney Maraakiibta Badda Cas..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com