Noocyada Raashinka ee Dheef-Shiidka u Daran Xiliga Ramadanka…

Health

Dad badan ayaa isku waafaqsan in Raashinka ka samaysan labeenta caanaha sida farmaajada iyo caanaha ayaa ah kuwa keena calool istaag, Hadii aad arintaan ogaato waxaad isku daydaa inaad yareyso ama joojiso cunnooynka ka samaysan labeenta caanaha…

Hilibka shiilan:

Hilibka/Digaaga shiilan waa raashin macaan oo dhadhanka ku wanaagsan balse waxay u xun yihiin guud ahaan Caafimaadka Qofka gaar ahaan kan dheefshiid, waxaa cunnooyinkaan ku badan dufinka, kaasoo hoos u dhiga heerka dheefshiidka. Cunooyinka shiilan ayaa ka qayb qaata in saxaradu ay qofka ku dhagto.

Hilibka Solan:

Hilibka solan waxaa ku badan borotiinka iyo dufinka mana lahan xataa xadi yar oo faybar ah. Solaygu uma wanaagsana dheefshiidka, waxaana marwalba oo la cunayo solay haboon in lagu cuno cunooyinka ka kooban faybarka si looga hortago calool istaagga.

Canjeelada laga sameeyay burka cad kaliya:

Rootiga cad ama Canjeelada ka samaysan burka kaliya, Dheefshiidka way ku culays tahay inuu u shaqeeyo habka loo baahan yahay marka ay timaado cunnooyinka ka samaysan burka oo kaliya, Isku day inaad cunto canjeelo ama rooti ka samaysan iskudar qamadiga burka ama galaydaba, Cunooyinkaan waxay ka kooban yihiin faybar waxayna kor u qaadayaan dheefshiidka

Kafeega:

Waxaa la fahamsan yahay in Dadka caba kafeega ay la nool yihiin calool istaag walow qaarkood aysan la kulmin xalaadaan, yareynta cabida kafeega ama in lala cabo biyo ayaa ah mid u wanaagsan dheefshiidka.

318470cookie-checkNoocyada Raashinka ee Dheef-Shiidka u Daran Xiliga Ramadanka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com