Dhalinyaro Laga Afduubtay Xuduuda Kenya

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa Dhalinyaro u dhashay Dalka Ethiopia oo ay Ciidamada Dalkaasi ka afduubteen Xuduudaha u dhaxeeya Kenya iyo Ethiopia, kadib markii ay si qarsoodi ah ku galeen gudaha Magaalo ku yaal xadka labada Dal..

Wararka ayaa sheegaya in Dhalinyaradaan la qabtay oo tiradoodu lagu 10 qof, ayaa lagu Eedeeyay iney Taageero iyo gacan siinaayeen xubno ka tirsan Jabhadda Oromada ee OLF, oo loo haysto weerar ay ka fuliyeen dalka Ethiopia, laguna dilay lixdan qof, sidoo kale waxaa redshank ka mid ah iney ka qeyb qaateen dab la qabadsiyay ilaa labaatan guri, Weerarkan ayaa horaantii bishan ka dhacay Waqooyiga Ethiopia.

Dagaalo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday xuduudda labada dal, iyadoo Ciidamada Ethiopia ay hawlgalo ka dhan ah Jabhadda OLF ka wadaan koonfurta iyo galbeedka dalkaasi.

Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ayaan weli ka hadlin hawlgalka qorsheysan ee dhalinyaradaasi looga soo qabqabtay Mooyaale, Kenya.

74940cookie-checkDhalinyaro Laga Afduubtay Xuduuda Kenya