Dowlada Federaalka Oo Xusul-duub ugu jirta Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee Saaran

Somalia news

Todobaadii ugu dambeeyay waxey Dowlada Federaalka ku jortay olole balaaran oo ay ku dooneyso iney taageero u hesho in Dowladaha Qaraada Africa gaar ahaan kuwa Geeska ay weydiisaneysa sidii loo taageeri lahaa dalbashadeeda in laga qaado cunaqabateynta hubka ee ay saareenGolaha Amaanka..

Iyadoo lagu wado in Bisha Novembar Golaha Amaanka ay u codeeyaan in dob loo cusbooneysiiyo xayiraada hubka taasoo ay Dowlada Somalia ay muddo dheer codsaneysay in laga qaado si dagaalka kooxaha argagixisada ula dagaalamaan, fursadaana u aragta mid lagu xoojin kara Kacdoonka Dalka ka socda.

Dalal dhowr ah oo bariga iyo Geeska Africa ayaa horey taageero ugu muujiyay, iyadoo Dowladaha Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Eritrea ay horey u taageeraan mowqifka Somalia, iyadoo cod dheer ku sheegay in ka qaado Cunaqabateynta hubka oo Somalia ay saaran tahay muddo 22-sanadood, si dagaalka loogu jiro in laga sifeeyo kooxaha argagixisada uu u hirgalo.

Somalia ayaahorey ugu baaqday Dalalka AU-da iney taageeraan Olalahoda ku aadan qaadista Cunaqabateynta hubka oo ay ku jiraan mamnuucida Madaafiicda, Gaadiidka Gaashaman, Taangiyada iyo Diyaaradaha dagaalka, iyadoo Cunaqabateyntaan loo saaray Somalia dagaaladii sokeeye ee ka qarxay sanadkii 1991-dii.

218480cookie-checkDowlada Federaalka Oo Xusul-duub ugu jirta Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee Saaran