Xarunta Wasaarada Gaashandhigga Oo Xalay la Weeraray

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Rasaas iyo qaraxyo ayaa xalay fiidnimadii laga maqlay nawaaxiga xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, taasoo cabsi gelisay Dadka ku nool Xeyndaabka Xarunta…

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan  ay dhabarka dambe ka soo weerareen xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ah meel si weyn loo ilaaliyo, iyagoo kadibna ku weeraray xarunta rasaas iyo gantaalaha garabka laga rido ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha.

Ciidamada dowlada ee ilaalada ka ah xarunta Wasaarada gaashaandhiga ayaa iyana ku jawaabay rasaas culus, waxaana labada dhinac dhexmaray iska horimaad muddo kooban socday, Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda argagixisada Shabaabka, waxaana haatan degan xaalada nawaaxiga xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

243070cookie-checkXarunta Wasaarada Gaashandhigga Oo Xalay la Weeraray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com