Dagaalada Saxaafada & Caburinta/Cabsi gelinta Gelinta Shacbiga ee Kooxda Villa Somalia..

Somalia news

15-Bilood ee la soo dhaafay Waxaa soo shaac baxaayay Cadaadis, Caga-jugleyn, Xarig iyo Dil hoose ay Kooxo is biirsaday kana tirsan Garabyada u qaabilsan Maamulka Xasan Gurguurte Warfaafinta iyo NISA ay ku hayeen Waxgaradka iyo Qeybaha Mucaaradka ku ah Maamulka Fadhiidka ah ee Villa Somalia..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Fannaanka oo tan iyo bishii August u xirnaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) ayaa la sheegay in lagu dilay 2-Maalmood ka hor qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho maalmo kadib markii la sii daayay, Fanaankaan oo qaaday Hees uu ku iftiiminaayay Maamul xumida ragaadiyay Hogaanka Villa Somalia. Hoose ka daawo heesta.

Dhanka kale, Cali Cabdi Cali Xooshow oo ahaa Agaasimaha Isgaarsiinta ayaa gacanta la xiray, iyadoo sababta xarigiisa lagu fasiray inuu diiday Amarada Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyi Madaxa Nabadsugida Mahad Salaad kuwaasoo culeys muddo ku saarayay Mas’uulkaan in la xiro Akoonada mucaaradka ee Baraha Bulshara, Si kastaba ha ahaatee, Cali Cabdi Xooshow ayaa diiday inuu ka qeyb galo isku dayga ay Maamulka Xasan Gurguurte ay ku doonayaan inay xakameeyaan/caburiyaan xuquuqda Hadalka Muwaadiniinta.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha gudaha ayaa ka digay Fashilka ka dhalin kara caburinta iyo cabsi gelinta Afkaarta Muwaadiniinta, iyadoo Dhoweyn aheyd markii Madaxa Xoogaga Amaanka Mogdishu uu hanjabaado u jeediyay Qeybaha dhaliila Xasan Gurgurte, iyadoo Xasan iyo kooxdiisa ay Talaabooyinkaan isku cadeynayaan in looga adkaaday loolankii Saxaafada, Sababta looga adkaaday waxay tahay in Xasan iyo kooxdiisu ay u arkaan Mucaaradka Beel Daarood ah oo duulaan ku ah Xukunka Hawiye.

279950cookie-checkDagaalada Saxaafada & Caburinta/Cabsi gelinta Gelinta Shacbiga ee Kooxda Villa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com