Wasiirka Gaashandhigga Oo La Kulmay Saraakiisha Safaarada USA

Somalia news

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan la qaatay Ku-simaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo saraakiil katirsan Safaaradda, Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka wada shaqeyn..

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka argagixisada, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiirka Gaashaandhigga XFS, “Waxaan maanta kulan la qaatay kusimaha Safaaradda Mareekanka marwo Colleen Crenwelge iyo saraakiil katirsan Safaaradda, waxaan ka wada hadalney xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka argagixisada.”

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ay u fidiyaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, iyadoo Kulankaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee Saraakiisha Safaarada USA ay la yeeshaan Wasiirka Gaashandhigga Dowladda Federaalka.

161340cookie-checkWasiirka Gaashandhigga Oo La Kulmay Saraakiisha Safaarada USA