Dhaqaalaha (Baada) Shababka La Siiyo Oo Somalia Nabad Waarta Ka Hortaagan

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa Kulamo ay yeesheen Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka Iyo Wakiilo ka Socda Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala Somalia, Kulankaan ayaa la sheegay in dhaqaale (Baad) lagu weydistay Shirkadaha Diyaaradaha iney ku taageeraan dagaalada ay Kooxda ka wado Konfurta iyo Bartamaha Somalia…

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in kulan markii 3-aad uu todobaadkaan ay yeesheen Wakiilo ka Socda Shirkadaha Diyaaradaha iyo Horjogayaal ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka, wuxuuna ka dhacay Duleedka Magaalada Mogadishu, waxaana la sheegay in Wakiilada Shirkadaha la hordhigay dalab dhaqaale oo labada ah.

Wararka ayaa sheegay in Wakiilada laga dalbaday iney bishii bixiyaan Dhaqaale joogto ah oo lagu qiyaasay 5000-US$ halka Dhaqaale kale oo loogu magac daray Zakawaat (Baad) sanadle ah taasoo la sheegay in lagu saleynaayo dhaqaalaha ay macaasheen shirkadaha diyaaradaha kadib marka ay gudbiyaan Qoraalo la xiriira dadka socotada ah ay tikidhada u gooyaan.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada USA Ee Africom Gen.Stephen Townsend oo hortagay Guddi hoos aad Tara Difaaca Ee Senate-ka ayaa sheegay “ ayaa Kooxda Shababka ku tilmaamay Kuwo Khatar iyo burbur ku ah Dalalka Geeska Africa, wuxuuna ka digay in dhaqaalaha baada ah la siiyo Kooxda ay ku dhiiri gelisay iney si laba jibaaraan Howlgalada argagixisada ay ka wadaan geeska Africa. Wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah looga hortaga khatarta Kooxda Shababka.

124720cookie-checkDhaqaalaha (Baada) Shababka La Siiyo Oo Somalia Nabad Waarta Ka Hortaagan