Kulamo ay Yeesheen Xildhibaanada Laga soo Doortay Degaanada Jubbaland & Konfur galbeed

Somalia news

Faafaahin ayaa laga helayaa heshiis hoose oo ay wada gaareen inta badan Xildhibaanada Federaalka laga soo xulay Degaanada Jubbaland & Konfur galbeed, kuwaasoo Xiligaan Madaxweynayaashooda ay wajahaayaan Cadaadisyo iyo culeys saar kaga imaanayaa Maamulka Xasan Sheekh…

Xildhibaanada oo guddiyo u saarteen sidii loo dhisi lahaa Kutlad Xildhibaanada ay ku mideysan yihiin, ayaa la sheegay iney dhisteen Gudiyo waxeyna ka doodeen sidii degaanada ay ka soo jeedaan loo gaarsiin lahaa Gargaarka Dadka ay Abaaraha saameeyaan iyo iney Muujiyaan midnimo iyo isku xirnaan inkastoo aysan caddeyn ujeeda laga leeyahay dhismaha Isbaheysigaan.

Guddiyadaan ayaa la sheegay iney la kulmeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxeyna u gudbiyeen talo ku aadan Sidii ugu fudud oo loo hirgelin karo Gudbinta gurmadka abaaraha Gargaarka iyo qodobo kale. ilaa hadda lama yaqaano sababta Madaxweynayaasha Maamuladaasi looga baaqsaday iney ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha ee degaanada sy ka taliyaan.

202840cookie-checkKulamo ay Yeesheen Xildhibaanada Laga soo Doortay Degaanada Jubbaland & Konfur galbeed