Maxaa Xiligaan dib u soo Nooleeyay Ciyaal-Weerada Amaanka Caasimada Dhibka ku haya

Somalia news

Hey’adaha Amaanka Caasimada oo bilihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa dagaalka wajiyada badan ee kooxda argagixisada Shababka, ayaa xiligaan lagu furay aag kale, iyadoo xaafado ka mid ah magaalada ay dib u soo noolaadeen “Ciyaal weero” kuwaasoo aan ka marneyn arrimaha Siyaasada…

Wararka ayaa sheegay in Kooxdaan Dhalibyarada ah oo qaab habeysan u abaabulan isla markaasna lagu xanto iney xiriir la leeyihiin CBB maamulkii Farmaajo, ayaa ku dilay Wiil dhalinyaro ah (Shaafici Macallin Nuur) xaafada Cumar Tugumbo ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa loo adeegsaday toorey kadibna u geeriyooday dhaawacyadii iyo dhiig bax badan.

Khubarada Amaanka ayaa farta ku goday in Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa, Kaaraan iyo Wadajir ay yihiin degaanada ay Dhalinyaradaan ka soo laba kacleeyeen “Ciyaalka Weerada” kuwaasoo ku hubeysan Tooreeyo, Baangado iyo biro waa-weyn, iyagoo dhibaato xoogan ku haya Ambiga Caasimada, waxaana loogu baaqay Hey’adaha Amaanka iney wax ka qabtaan Ciyaalkaan.

226780cookie-checkMaxaa Xiligaan dib u soo Nooleeyay Ciyaal-Weerada Amaanka Caasimada Dhibka ku haya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com