Maxaa ka Run in ah Eedaha Loo Jeediyay Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir..

Somalia news

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Somali Media Association (SOMA) iyo Dalladda Somali Mechanism of Safety Journalists (SMSJ) ayaa walaac ka muujiyay warbixinta sheegeysa in Taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir uu xabsiga ku weerary Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin, habeenimadii Sabtida, ururada ayaa si wadajir ah ugu baaqay Dowladda in adkeeyo amniga Suxufiga…

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka oo wato ilaalo huveysan ayaa habeenkii Sabtida abaaro 7:40 fiidnimo ayaa tegay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xiran yahay Xoghayaha Guud ee SJS, wuxuuna Taliyaha dalbaday in loo soo bixiyo Cabdalle, kadibna ku amray in loo qaadayo guriga Avv. Saalax Sheekh Ibraahim oo loo yaqaano Saalax Dhiblaawe, Cabdalle ayaa arintaas ka biyo diiday, taasoo abuurtay in xiisad ay ka abuuranto xabsiga oo socotay ku dhowaad 2 saacadood.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa digniino u jeediyay Dowladda Federaalka, isagoo sheegay hadii uu dereg uu u dhinto Wariye Cabdalla Muumin in loo raacan doono Dowladda, xiisadaan u dhaxeysa Wariyaha iyo Maamulka Xasan Sheekh ayaa cirka isku shareertay iyadoo ay isku bedeshay Xiisado u dhaxeeya Beesha Gaaljecel iyo Saleymaan.

244210cookie-checkMaxaa ka Run in ah Eedaha Loo Jeediyay Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir..