Dhibaatada Dowladnimada Shaari-Shaari Ee Ka Dhisan Somaliland

Somalia news

Shaari-shaari waa erey ku cusub Luqada Soomaaliga waxaana aad looga isticmaalo Gobolada waqooyiga Somalia ee la magac baxay (Somaliland) wuxuu u dhigmaa Gedisley, Isku-dhex milanka siyaasadda iyo ganacsiga maamulka Beeleysiga ku dhisan ee Muuse Biixi..

Cilmi-baare ka tirsan Dugsiga Dhaqaalaha London (London School of Economics) Dr.Claire Elder ayaa ku falanqeysay qoraal cilmiyeed ku soo baxday International Affairs, wuxuu bannaanka soo dhigay dhibaatooyin uu Bangiga Adduunku 2016kii ka digay, “Maamulka Somaliland waxay u nugushahay inay gacanta u gasho dano ganacsi gaar ah, taas oo xaddidaysa awooddeeda inay qaaddo tallaabooyin siyaasadeed danta dadweynaha darteed.”

Dhowr sano kadib qiimeyntaan waxaa lagu xusay Buug Xirsi Xaaji Cali ku saabsan taariikh nololeedkiisa, Xirsi, oo ka tirsanaa Siyaasiyiinta ee Maamulkii Axmed Maxamed Siilaanyo hoggaaminayay intuusan iscasilin, wuxuu iftiimiyay sida qaar ka mid ah Ganacsatada ugu adeegtaan awoodda siyaasadda iyagoo ka codsanaya madaxda in suuq loo xiro si aan loola tartamin.

“Waxa mar kasta jira oo aan la dhayalsan karin doorka iyo kaalinta ay bulshada siyaasadda ku leeyihiin Ganacsatadu iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka guud ahaan u leeyihiin.  Sidoo kale waxaa hubaal ah haddii ganacsatada lagu sii daayo maamulka iyo dawladnimada, waxaa dhacaysa xadhig kala jiidasho iyo in mid kastaa uu danihiisa u xusliyo, oo halkaa ay cidhiidhi ku gasho dantii caamka ahayd…” ayuu Xirsi qoray.

Waa maxay dowladnimo shaari-shaari ahi?

 Dowladnimo shaari-shaari ahi waa koox shirkado ah iyo Siyaasiyiinta uga awoodda badan oo iska kaashada Qandaraasyada iyo ganacsiyada dalka dhexdiisa iyo dalalka deriska, oo si cad uga hortaga tartanka uga iman kara gacansiyada kale, yareeyana awoodda dowladda si ay uhelaan faa’iiddo ka sarreysa tan suuqa ka jirta lehna awooddo ay danahooda ku ilaashadaan.

Dowladda shaari-shaarida ahi waxay ku tiirsan tahay waxa loo yaqaan nabad-dhowrasho (peaceocracy) si loo sameeyo dimuqraaddiyad xaddidan. Waxaa kale oo sal u ah waxa loo qayaanno qotodheereynta nabadsugidda (securitization).  Nooca doorashada maamulka Somaliland qabanaysay intii muddo ah waa kuwo ku shubasho ay saameysay, mararka qaar ay fududeeyeen sirdoonka Galbeedka, ayay ku doodday Claire.

Waxaa laga qabtay nooc doorasho oo dadku ku xalaalaynayaan nidaam siyaasaddiisu ku salaysan yahay cabburin, kordhinta saboolnimada, dhiigmiirtanimada koox ganacsato ah oo maalgelisa qowlaysatada talada haysa si ay hadhow u helaan fursado ganacsi aan lagula tartami karin. Habka doorashooyinka maamulka Somaliland ku qotomo Soomaalidu way soo martay ka hor 1991kii: waa habkii Haa Buluugga, Maya Casaanka, markii Somalia uu ka jiray Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

150720cookie-checkDhibaatada Dowladnimada Shaari-Shaari Ee Ka Dhisan Somaliland