Ma Dhabaa In Garoowe Ay Ku Kulmayaan Wakiilada Beesha Caalamka & ..

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maalmahaan u kala dab qaadayay Garabkii Heshiiska ku saxiixay iyo Hogaanka Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Mucaaradka, si loo qabyo tiro Qodobo dhowr ah oo shaki laga muujiyay Heshiiska Dhuusa mareeb-3, waxaana lagu wadaa in dhowaan lagu qabto Magaalada Garoowe Kulan u dhaxeeya Puntland, Jubbaland iyo Ergo ka socota Wakiilada Beesha Caalamka….

Dhaqdhaqaan siyaasadeed ayaa soo shaac baxay kadib markii 21-kii bishaan kulan ku dhex maray gudaha garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo ay wehliyaan Madaxda H/shabelle iyo Kobfur galbeed oo dhinac ah iyo Danjirayaasha Dalalka daneeya arrimaha Somalia oo ay hormuud u yihiin USA,UK, EU-da iyo UN-ka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa diyaarinaaya Qodobada ay saluugsan yihiin iyo sida ay doonaayaan in wax loogu bedelo ama lagu daro, iyagoo Guddiyadooda Farsamada ay ku Howlan yihiin, Heshiiska iyo aragtidooda Doorashada 2020/21, waxeyna ku adkeysteen in Wakiilada Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqdaan Kulanka soo socda, kaasoo aan weli la cayimin goobta iyo Taariikhda la qabanaayo.

Ilo xogogaal ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay Mr.Farmaajo uu weli diidan yahay in Kulankaasi ay ka soo qeyb galaan Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo wakiilo ka socda Ururada Bulshada Rayidka, iyadoo soo jeedintaan ay soo bandhigeen Danjiraha USA, Wakiilka EU-da iyo UN-ka.

56580cookie-checkMa Dhabaa In Garoowe Ay Ku Kulmayaan Wakiilada Beesha Caalamka & ..