Rooble Oo Magaalada Garoowe Ku Sii Jeeda!

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo Magaalada Garoowe, isagoo ka qeyb geli doona Kulan 3-geesood ah (Puntland & Jubbaland), inkastoo Xiligii ugu dambeysay uu diiday Martiqaad Caasumaad ah oo Maamulka degaanka u fidiyeen..

Ujeedada safarka Rooble ayaa la xariira dardar-gelinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS iyo qodobo kale waxaana uu kulamo la yeelan doonaan Madaxda Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Doorashada Golaha Shacabka BJFS ayaa qorshuhu yahay inay bilaabato 16 bishan November, iyadoo Guddiga Hirgalinta Dooashooyinka heer Federaal uu bilaabay inay u kala diraan deegaanada Dowlad Goboleedyada ee ay ka dhacayso doorashada, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo Digniino kama dambeys ah oo ku aadan Doorashada.

Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu heshiis kula ahaa Farmaajo Fashilmay inuu wakhtiga ku lumiyo Khilaaf been ah Oo u dhaxeeya, isagoo sidoo kale Safaro Dhaqaale uruursi ah ku tagay tiro dhowr Dal ah, iyadoo Heshiiska uu qaatay uusan wax cusub uusan ku soo kordhin marka laga reebo inuu Asxaabtiisa Xilal ku tixo, Kiiskii Sarkaalada NISA (Ikraan Tahliil) uu Hakiyay culeysyana ku saaraayo Waalidka Gabdha iney qaataan Mag iyo Dhaqaale.

150750cookie-checkRooble Oo Magaalada Garoowe Ku Sii Jeeda!