Dhul Boobka Magaalada Mogadishu Oo Dib u Soo Laba-Kacleeyay & Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay..

Somalia news

Waxaa todobaadadii ugu dambeeyay sare u kacay boobka Dhulalka Danta guud, iyadoo lagu eedeeyay iney ka dambeeyaan Hogaanka Villa Somalia, iyadoo xaaladu haatan gaartay “Af Salax ku dhag oo Xafiis loo cawdaaba uusanba jirin”, waxaana u dambeeyay ee la xaraashay MCH Degmada Hodan iyo Dugsigii Xanaanada Caruurta ee Degmada Wardhiigley..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Xaqiijinaaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ku amray Maamulka Dowladda Hoose ee Mogadishu in Dugsigii Xanaanada Caruurta ee ku yaal ex jid Mareexaan la siiyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka, iyadoo dhawaan lagu wado in dhisme cusub laga bilaabo waana ayaan darro in Villa Somalia ay Boobkaan qeyb ka tahay.

Ku darsoo waxaa la xaqiijiyay in Xaruntii MCH Waaxda Taleex ee Degmada Hodan oo ay jiifeen Bukaano ayaa lagu amray iney ka baxaan, iyadoo la sheegay in 8-Boos oo Dhulkaasi ku fadhiyo loo gacan geliyay ama laga iibiyay Siyaasiyiin & Ganacsato isku raran ah, Wakhti xaadirkaan MCH-ka waxaa jiifa 72-Bukaan oo isugu jira Caruur iyo Wayeel Nafaqo darro baahsan ku habsatay.

Xaaladaan Boobka ayaa lagu sifeeyay “Musiibo”, iyadoo todobaadkii hore Dhisme ay laheyd Waaxda ka tirsan Degmada Waaberi ayaa laga saaray waxaana laga iibiyay Ganacsato Dhul doon ah, iyadoo ololaha Xaraashkaan ay soo oggolaatay Madaxtooyada Villa Somalia.

313150cookie-checkDhul Boobka Magaalada Mogadishu Oo Dib u Soo Laba-Kacleeyay & Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay..