Qeylo Dhaan Ayaa Ka Soo Yeereysa Xarumaha Waxbarashada Jaamacadaha Magaalada Mogadishu…

Somalia news

Maalmahaan waxaa soo shaac baxaaya qeylo dhaan ka soo baxeysa Xarumaha Waxbarashada Jaamacadaha kuwaasoo ku eedeeyay Qeybo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Hubeysan soo galaan Xarumaha Waxbarashada Jaamacadaha fasax la’aan…

Shalay waxaa Magaalada Mogadishu shir jaraa’id ku qabteen Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed waxeyna aad u cambaareeyeen Ciidamada Hubeysan ee loo soo diro Xarumaha Waxbarashada Jaamacadaha fasaladana duruusta ka socoto la gala Qoryaha, waxeyna Hogaanka Dalka iyo Shacbiga Soomaaliyeed xusuusiyeen doorkooda togan ee bulshada kaasoo mudan in lagu ilaaliyo.

Waxaa xusid mudan in Jaamacadaha Dalka aysan wax kaalmo ah helin Dowladda Federaalka, Ururka Jaamacadaha ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Hubeysan ee loo diray Xarumaha Jaamacadaha ay la xiriirta Lacago Canshuur ah oo Wasaarada Maaliyadu ku tabeyso Maamulada Maaliyada Jaamacadaha, iyagoo ku eedeeyay iney khalkhal geliyeen Amaanka Ardayda iyo Howsha Waxbarashada.

Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad oo dhanka Waxbarashada ka soo galay Siyaasada, ficiladaan Askarta Hubeysan ee loo diraayo Xarumaha Waxbarashada waxey sawir aan fiicneyn ka bixineysaa Nidaamka Dowladeed ee Hogaanka Dalka, iyadoo si fudud lagu ogaan karo Qeybaha aan Canshuurta bixin iyo hab Madani ah oo lagu raadin karo Canshuuraha maqan, Horey ayeey Wadooyinka ciidamadaan hubeysan ku dileen Muwaadiniin ay ku eedeeyeen iney Canshuur ku maqan tahay.

313190cookie-checkQeylo Dhaan Ayaa Ka Soo Yeereysa Xarumaha Waxbarashada Jaamacadaha Magaalada Mogadishu…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com