Shirka Magaalada Laas caanood ka Socda & Caqabadaha ku Gedaaman

Somalia news

Iyadoo maanta la filaayo inuu soo xirmo Shirka ay leeyihiin Odaaysha Dhaqanka iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Dhulbahante, kaasoo looga arrinsanaayo Aayo ka tashiga Gobolka Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle, ayaa la sheegaya in aan weli lagu heshiinin Qodobo dhowr ah…

Ka qeyb galayaasha Shirka ayaa guud ahaan isla ogol aragtida Midnimada Dalka Somalia iyo diidmada Mashruuca gooni goosadka Somaliland, iyadoo go’aan kasta oo ay soo saaraan Cuqaasha waxey u baahan tahay fulin, taasoo salka ku heysa Maamul loo wada siman yahay iyo mideynta Xoogaga Hubeysan.

Maamul u dhisida Gobolada iyo Degmada Buuhoodle

Wararka soo shaac baxaaya waxey muujinayaan ineysan Odaayasha aysan weli isla meel dhigin Qaabka loo wahajaayo Maamul u dhisida Gobolada Degmooyinka, iyadoo Ergada qaarkood ay qabaan in dib loo dhigo Howsha Maamul u sameynta, iyadoo Garaadka guud uu taladaasi soo dhex dhigay Ergada, miiskana la soo saaro dano kala duwan.

Khaarumo State

Dhismaha Maamulka Khaatumo State ayaa laga barbar dhisay Maakhir State bulshadii dhisatayna ay ka maqan yihiin Madasha Shirka, lagana yaabo iney tahay sababta doodaha hadda socdaa in la balaariyo si loo dhisto gal Maamul oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Dib u Habeynta Xoogaga Hubeysan

Magaalada waxaa ku wada sugan Xoogag hubeysan oo qeybo gaar ah ka kala amar qaata, ku darsoo waxaa jira abaabulo ay wadaa Maamulada Puntland & Somaliland oo ka dhan ah Maamul u sameynta, iyadoo Odayaasha ay dareemayaan baahida loo qabo Maamul ay Xoogagaan ku mideysan yihiin, iyadoo sidoo kale ay Garaadada ku baaqeen Xoogaga Puntland iyo Somaliland ka baxaan degaanada ay ku sugan yihiin.

240100cookie-checkShirka Magaalada Laas caanood ka Socda & Caqabadaha ku Gedaaman
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com