Labaatankii sannadood ee u dambeeyay, dajinta Dastuurka Somalia waxa uu noqday mashruuc qaaliya oo aan dhammaad lahayn, Axdi-qarameedkii kumeelgaarka ahaa oo ay 2000 samaysay Jamhuuriyaddii saddexaad ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa ku baaqay in la diyaariyo Dastuur cusub..
Axdiga Federaalka Kumeelgaarka ah ayaa 2004 ayaa bud dhib u noqday Nidaam Dalka Dastuur loogu samaynayo, Xukuumadihii Somalia u kala dambeeyay ayaa sameeyay guddiyo dhawr ah, Ugu dambayn 2012-kii ayay Dastuurka Federaalka ee Kumeelgaarka ah ka wada xaajoodeen Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM iyo lix ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somalia.
Dastuurka Faderaalka KMG ah ayaa jideeyay Nidaamka dibu-eegista dastuurka, Tan iyo 2012 Guddida La Socodka Baarlamaanka oo kaashanaysa Guddida Madaxabannaan ee Dibu-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa 2016 iyo 2021-kii laba jeer dhammeeyay dibu-eegista dastuurka, Intaa waxa dheer, marka laga tago Somaliland, waxa ay shanta dawlad-goboleed (Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-Galbeed iyo Hir-Shabeelle) ee Somalia samaysteen Dastuurro u gaar ah, inkastoo ay ka maqan tahay Matalaada Shacbiga Caasimada.
Daraasadaan waxa lagu ogaaday:
Marka loo eego cilmi-baarisyada ku saabsan dibu-eegista iyo dajinta dastuurka, hannaanka ama waddada loo maro bud dhigga Dastuurka ayaa go’aamisa sharciyadda dastuurka iyo aqbalaadda ay dadku aqbalaan, Dhanka Somalia, cilmibaaristu waxa ay heshay in siyaasiyiin koobani inta badan afduubaan hannaanka dajinta iyo dibu-eegista dastuurka, taasoo keentay Siyaasad aan loo dhammayn, maqnaanta ka qayb galka Bulshada.