Xiisado Ka Dhashay Dil Bareer Ah Oo Ka Dhacay Xero Jaalle

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dil bareer ah oo dhowaan ka Dhacay Duleedka Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Boliiska Laanta Baarista Dembiyada Magaalada Gaalkacyo lagu tuhusan yahay inuu ka dambeeyay falkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Askragaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdixakiim Abdisalan Aadan (Hindhiso) oo ka tirsanaa Laanta Baarista Dembiyada lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyo dilka Marxuum Sheekh Cali Axmed Faarax (Sh.Cali Dheere) oo Madax ka ahaa Dugsi Xanaano, iyadoo maydka Marxuumka laga helay tuulada xero Jaalle oo u dhaxeysa Degaanka Galdogob iyo Magaalada Gaalkacyo.

Dilkaan ayaa loo xiray Madaxa Laanta Baarista Dembiyada ee Magaalada Rooble Saruurow iyo Maxamed Cali Askar oo ka soo kala jeeda Degmada Xaradheere iyo degmada Baydhabo, halka Eedeysanaha baxaadka ah uu ka soo jeedo beesha Lelekase, waxaana la sheegay inuu u baxsaday baadiyadaha degaanka Galdogob, dalkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano Qabiil.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmo lagu xiray Xabsi Boliiska uu leeyahay, iyadoo xariga Marxuumka uu tuhunsan badan ay ku gedaaman yihiin, inkastoo la sheegay in la siidaayay kadib markii caddeymo loo waayay, waxaana la sheegay in Guriga Marxuumka uu tagay Eedeysane Cabdikamiin Hindhiso kana soo waday isla markaasna ku dilay Tuulada kor ku xusan kadibna baxsaday.

118870cookie-checkXiisado Ka Dhashay Dil Bareer Ah Oo Ka Dhacay Xero Jaalle