Maxaa Fashilka U Horseeday Wada Hadalkii Rooble & Farmaajo

Somalia news

Waxaa fashil ku soo dhamaaday Wada hadaladii u dhaxeeyay Rooble iyo Farmaajo, kadib markii la isku mari waayay Qodob dhowr ah oo xasaasi, kuwaasoo ay ka mid tahay iney Garabka Farmaajo oggolaadeen xalinta Dilka Ikraan Tahliil iyadoo aan la la wadaagin Shacbiga Soomaaliyeed gunta Kiiska…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Caqabadaha ugu weyn ee wada hadalka ay ka mid ahaayeen qodobo dhowr ah oo kala ah:-

-Iney diyaar u yihiin (Garabka Farmaajo) diyo-Siyaasadeed iyo mid beeleed oo si hoose loo xaliyo isla markaasna la joojiyo baarista Xeer ilaalinta & Maxkamada Ciidamada ee Kiiska Ikraan Tahliil.

-In Guddi Baariseed oo labada dhinac ah loo saaro lana joojiyo baarista Kiiska, Beesha Gabadhana la la heshiiyo.

-In Laga noqdo Magacaabista Wasiirka Amniga lana magacaabo mid la isla oggol yahay.

-In feylasha NISA Ee Dhalinyarada Eritrea loo qaaday, kuwa xiriira dilalka qorsheysan iyo Warbixinada xasaasiga ah ee khuseeya Dalalka (UAE, Sacuudiga, Kenya, Ethiopia,Eritrea iyo Egypt) qaarkood la oggolaado in laga soo raro Xarunta oo Madaxtooyada la keeno.

Dhanka kale Waxaa todobaadkaan la filayaa iney Magaalada Mogadishu soo gaaraan Wafdi ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay kuwaasoo la sheegay iney Madaxtooyada Villa Somalia iyo Wasiirka 1-aad la kulmi doonaan una gacan gelin doonaan qoraal.

140380cookie-checkMaxaa Fashilka U Horseeday Wada Hadalkii Rooble & Farmaajo