Eedeysanayaal ka soo Jeeda Degaanada Waqooyiga Dalka Oo Jirdil loogu Geysteen Xsbsiyada NISA..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in tiro Eedeysanayaal u xirnaa iney ka dambeeyaan Dilkii Marxuum C/Naasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Shaqaalaha Hay’adda Duuliska Rayidka ee Somalia, jirdilo xoogan ay Baarayaasha Kiiska ugu geysteen intii ay u xiran yihiin CID-da..

Wararka ayaa sheegaya in Tiro Xildhibaano iyo Senator ah oo ka soo jeeda Waqooyiga Dalka ay kormeer ku tageen Xabsiga lagu hayo Eedeysanayaashani, waxeyna faahfaahin ka bixiyeen tacadiyo iyo jirdil loo geystay dhalinyaro xabsiyada Hogaanka Baarista Boliiska (CID) kuna tilmaameen wax laga argagaxo dhaawacyada ka muuqda jirkooda.

Guddigaan Xildhibaanada ah oo shalay galab booqday Eedeysanayaashani waxa ay indhahooda ku soo arkeen tacaddi iyo jidhdil” ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Bulshada ku yiri Senator Cusmaan Dubbe, intaas ku daray in qaar kamid ah dhalinyarada maxaabiista ahi ay xildhibaanada hortooda ka sheegeen wixii ay u geysteen ragga hor fadhiya ee CID-du, taasoo ah sida uu yiri wax laga argagaxo.

322660cookie-checkEedeysanayaal ka soo Jeeda Degaanada Waqooyiga Dalka Oo Jirdil loogu Geysteen Xsbsiyada NISA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *