Doorashada Dalka Oo Ay Hareeyeen Caqabado U Baahan Xal

Somalia news

Warbixino qarsoodi ah ayaa muujinaaya in shaki xoogan laga muujiyay geedi socodka Doorashada Somalia, iyadoo caqabadaha ugu weyn ee hortaagan ay yihiin, Heshiiska Amni ee Gobolka, caga jiidka Maamulada Gobolada qaarkood iyo Cadaalad u raadinta Kiiska Sarkaaladii NISA ee la khaarijiyay..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Sarkaalada la Dilay ay gacanta ku dhigtay Macluumaad la xiriira Heshiiska Amni ee u dhaxeeya Ethiopia, Eritrea iyo Somalia, kaasoo saldhigiisu yahay sidii loo abuuri ahaa Koox argagax geliyaan Shacbiga iyo in laga faa’iideysto xiriira dhow ee u dhaxeeya Dowladda Eritrea iyo Kooxda Argagixisada Shababka.

Iyadoo Wararku ay sheegayaan in Saraakiisha Sirdoonada reer Galbeedka ay si dhow ula socdaan Arrimaha u gedaaman Dilka Ikraan Tahliil isla markaasna uu la xiriiro Dhalinyarada 5000 Ee loo qaaday Tababarka Eritrea iyo 450 oo ka mid ah Ciidamadaasi si khaas ah loogu soo Tababaray (Kooxda Duufaan) Maamulka Fashilmay Farmaajo si loogu caburiyo Shacbiga Magaalada Mogadishu.

Eedaha Cusub ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel, Afhayeenka Abiy Axmed iyo Xafiisyada Wasiirka 1-aad iyo Madaxweynaha., sidoo kale Maamulada Gobolada ayaa ka caga jiidaya iney qabtaan doorashada.

144250cookie-checkDoorashada Dalka Oo Ay Hareeyeen Caqabado U Baahan Xal