Ma Dhabaa in Hoos u dhac ku yimid Rakaabkii & Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga Garoonka Hargeysa

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Dadka Socotada ah ee Isticmaali jiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa uu hoos u dhac weyn ku yimid isku socodka dadka iyo gaadiidka, kadib markii ay dhaceen Dagaalada lagu riiqmay ee ka socda Gobolka Sool & ugaarsi lagu hayo Beesha Laas caanood..

Wararka ayaa sheegaya in Colaadda Sool ay horseeday walaac dhanka amaanka ah iyo xayiraad dhanka socdaalka ah Bulshada ka soo jeeda Gobolada Sool & Sanaag, taasoo keentay in dadka safarka ah iney Welwel ka muujiyaan hadii ay Isticmaalaan Garoonkaasi ay dhibaato kala kulmi karaan, iyadoo colaada ka hor Garoonka Hargeysa uu markii hore oo ahaa mid mashquul badan oo loogu talagalay safarka gobollada, Maamulka Garoonka ayaa ka gaabsaday iney ka faaloodaan hoos u dhaca Dadka Socotada ah, taasoo saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha maxalliga ah iyo dalxiiska.

Waxaa intaasi dheer in shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ay adeeg maalmeedkeed ka bilowday Magaalada Muqdisho, iyadoo ka soo wareegtay Hargeysa oo ay duulimaadyo joogto ah ka sameyn jirtay, Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hadda bixisa hal duulimaad oo keliya maalintii Hargeysa, taasoo keentay in xitaa tiro yar oo rakaab ah ay ka soo degaan ama ka dhoofaan Garoonkaasi.

Ku darsoo Hoos u dhaca ayaa ku yimid Gaadiidka rakaabka ee Dadka Socotada ee Hargeysa-Garoowe, waxeyna dhabar jab weyn ku tahay howlaha garoonka iyo dhaqaalaha gudaha, kaasoo si weyn ugu tiirsan dadka soo booqda Ehlkooda iyo Ganacsiga gudaha ah.

248710cookie-checkMa Dhabaa in Hoos u dhac ku yimid Rakaabkii & Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga Garoonka Hargeysa