Digniino Laga Bixiyay Burcad-badeedka Soomaalida

Somalia news

Hay’adda badaha adduunka ayaa ku boorrisay maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan markay marayaan badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed, si looga feejignaado weerarada burcad-badeeda, iyadoo laga soo saaray digniino cusub..

Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB), ayaa warbixintiisii ugu dambeysay wuxuu ku sheegay in aysan jirin wax dhacdooyin burcad badeednimo ah oo la diiwaan-galiyay labadii sano ee la soo dhaafay.

“Wax dhacdooyin burcad-badeednimo ah lagama soo sheegin guud ahaan Soomaaliya tan iyo 2018-kii,” ayay Hay’adda badahu ku sheegtay warbixinteedii saddexda bilood ee dhammaatay 30-kii Sebtember.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in burcad badeeda bishii Ogosto ay sii daayeen seddexdii lahayste ee ugu dambeysay oo lagu heystay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay tan iyo markii afduubka maraakiibta uu heerkii ugu sareeyay gaaray sanadkii 2011.

Inkastoo uu hoos u dhacay falalka afduubka, haddana Saraakiisha Hey’adda Badda Aduunka waxay sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay weli awood u leeyihiin inay qaadaan weerarro kale.

67340cookie-checkDigniino Laga Bixiyay Burcad-badeedka Soomaalida