Digniino Laga Soo Saaray Caburinta & Xariga Caruurta Ee Maamulka Fashilmay Ee Lafta gareen

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxaha Amaanka ee Maamulka Fashilmay Ee Lafta gareen ku qabqabteen tiro Caruur da’yar Oo Muqaalo majaajilo ah iska duubay kuwaasoo shucuurtooda ku muujiyay Sida ay u dhaliilsan yihiin hogaanka Maamulka Konfur Galbeed..

Xoogaga Amaanka ayaa Xabsiga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool dhigay Mahad Aadan Xaaji Oo 13-sano jir ah, Wiilkaan iyo kooxdiisa Majaajilada ah ( Buriyaa Boys) ayaa aragtidooda ku cabiray sheeko xasaasi ah kuna aadan dabaaldega Sanad-guuraadii 3-aad ee Hogaan xumida Lafta gareen, waxeyna aad uga careysiiyay Maamulka Oo Ku amray Xoogaga Amaanka iney Caruurtaan xabsiga dhigaan.

157700cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Caburinta & Xariga Caruurta Ee Maamulka Fashilmay Ee Lafta gareen