Ma u Horseedi Karaan Xal Nabadeed oo Waara Garabyada isku haya Gobolka Gedo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa loolan-raadinta Shaqsiga loo magacaabaayo Madaxda Degmooyinka iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, iyadoo ay soo shaac baxaayaan garabyo si weyn isaga soo horjeedo kuwaasoo wada Abaabul xoogan…

Xogtaan ayaa sheegtay in Gudomiyaha Gobolka Gedo Garabka Cabdiwahab turbac oo ah Shaqsiga ay Dowladda Federaalka la raadinayso Gudomiyaha Gedo iyo Garabka Cabdullahi Shimbir oo ah shaqsiga Maamulka Jubbaland la doonayo inuu ku soo baxo Gudomiyaha Gobolka Gedo, halka Gudoomiyaha xiligaan Gobolka oo taageero ka heysta Farmaajo iyo Kulane-jiis si hoose ay rajadoodu hooseyso.

Guud ahaan xili kala guur ah ayuu Gobolku ku jiraa, waxaana loolan adag u dhaxeeya Taageerayaasha Dowladda Federaalka iyo kuwo Maamulka Jubbaland ee ka soo jeeda Beesha Mareexaan, iyadoo sidoo kale Ciidamada Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo ku sugan Gobolka ay la kala safan yihiin Garabyadaan isku haya Maamulka Gedo.

234880cookie-checkMa u Horseedi Karaan Xal Nabadeed oo Waara Garabyada isku haya Gobolka Gedo