Rooble Oo Weerar Dadban Ku Qaaday Farmaajo

Somalia news

Kulankii shalay Ee Golaha Wasiirada Oo Looga hadlay Qodobada Amniga, Caafimaadka, Abaaraha iyo Doorashada ayaa waxaa ka hadlay Mr.Rooble wuxuuna sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya iney carqaladeyn joogto ah ku hayaan geedi socodka Doorashooyinka..

Wasiirka 1-aad ayaa sheegay in qabsoomidda Doorashada ay tahay xalka kaliya ee dalku uga bixi karo xaaladda adag ee uu ku jiro, Wuxuuna ku adkeystay in doorashada loo qaban doono si deg deg ah, islamarkaana shirka Golaha Wadatashiga Qaran lagu go’aamin doono jadwal doorasho oo deg deg ah.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Farmaajo iyo kooxdiisa ay ka careysan yihiinta ceyrintii Rooble uu ku sameeyey xubno ka mid ah Guddiga xalinta Khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu isku dayayo in la carqaladeeyo doorashada, Sababta Villa Somalia uga dagaalameyso ceyrinta xubnaha guddiga ayaa la sheegay inay tahay iyagoo rumeysan tahay in xubnaha cusub ay caqabad ku noqon doonaan rag kale oo loo wado xildhibaannimo sida Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdullaahi Kulane.

Sidoo kale Xogta ayaa sheegeysa in kooxda Farmaajo ay sidoo kale ka careysan yihiin in doorashada xildhibaanada Reer Waqooyiga aysan noqon sidii ay doonayeen oo ay kusoo baxayaan xubno badan oo aan taabacsaneyn, isla markaasna Kooxda Mahdi Guuleed la xakameeyay.

157670cookie-checkRooble Oo Weerar Dadban Ku Qaaday Farmaajo