Digniino Laga Soo Saaray in la Dhayalsado Awoodaha Kooxaha Argagixisada

Somalia news

Inkastoo bilihii ugu dambeeyay ay Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulada Gobolada iyo Kooxaha Iskood isku abaabulay ay ku guuleysteen iney ka xoreeyaan degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan, Sh/dhexe & Mudug, isla markaasna uu hakad lama filaan ah ku yimid Duulankaasi…

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Amaanka ayaa ka digay in la dhayelsado awoodaha Kooxaha argagixisada Shababka iyo Daacishta Somalia, waxeyna xiligaan awoodaan iney tiro Weeraro & Qaraxyo khasaare geysta ka fulin karaan Saldhigyada, Xarumaha Dowladda iyo kuwa Rayidka, waxeyna xuseen in Kooxaha Argagixisada ay muddo dheer ay dhismaayeen isla markaasna ku howlanaayeen qorista khasabka ah ee Caruurta iyo Dhalinyarada busaarada iyo shaqo la’aanta dilootay kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaasay 20.000 Howlgalada ka hor.

Khataraha ISIL ee Buuraha Puntland

Kooxdaan oo farsiimo ku leh Buuraha Cal-miskaad isla markaasna ka awood iyo tiro yar kooxda Shababka, ayaa todobaadkii tagay kula dagaalamay Kooxda Shababka, waxeyna dirirtaan salka ku heysaa gacan ku heynta & Saameynta dhulka buuraleyda ah tan iyo dabayaaqadii 2018-kii, iyadoo la sheegay in kooxdani ay Baad joogto ah ka qaado Ganacsatada Puntland.

Kooxdaan ayaa la sheegay iney bilaabeen in Xerayaha qaxootiga iyo goobaha laga abaabulo tahriibka ka qortaan Dhalinyarada Degaanada iyo kuwa Ethiopia, iyagoo bilaabay 20-kii ugu horeeyay ee qorista Ethiopianka sanadkii 2015-kii, waxeyna xiligaan safafka kooxdaan ka tirsan tiro u dhaxeysa 250-300.

247020cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray in la Dhayalsado Awoodaha Kooxaha Argagixisada