Digniino laga soo Saaray Khilaafka Dowlada Federaalka & Maamulada Gobolada uu Wiiqi kara Rajada Deyn-cafinta..

Economie Somalia news

Qeylo dhaan ayaa laga soo saaray Khilaafka shaqsi/Siyaasadeed ee muddo bilooyin ah u dhexeeya Xasan Sheekh & Saciid Dani, kaasoo halis gelin kara rajada Somalia ee ah in deymaha uu ka cafiyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) iyo Deymaha kale ee dhinacyada badan leh, dhamaadka sanadkan, sida ay ka digayaan khubarada dhaqaalaha Dalka.

Khubaradaan ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta maaliyadeed ay tahay shardi, si ay Dalkaan u hesho deyn cafin, sidoo kalena deymo cusub oo badan ay Somalia ka hesho Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF, inkastoo cabsi laga muujiyay qaadashada deynta cusub oo noqon karta dhib ku wajahan jiilka soo koraaya.

Haddii Somalia ay ku guuldareysato inay sii wado horumarka joogtada ah ee ay ku sameysay dib u habeynta maaliyadeed, waxay lumin kartaa rajada ah in laga cafiyo deynta lagu leeyahay ee ah $5.2 bilyan marka la gaaro dhammaadka 2023, Bishii Febraayo 2020, guddiyada fulinta ee IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Somalia ay u qalanto deyn cafinta ka dib dib u habeyn lagu sameeyay dhaqaalaha iyo Hay’adaha.

Heshiis la’aanta Dowlada Federalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ee ku saabsan Federaalaynta Maaliyadeed, iyo hufnaan la’aanta heshiisyada shidaalka iyo gaaska ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hadda jira oo khatar gelin kara horumarka Somalia, Qaanta Somalia looga leeyahay Dibada ayaa lagu qiyaasay in ka badan 5.2-Bilyan US$, Lacagtaan ayaa u badan Dul saar xad dhaaf ah oo la saartay 33-sano oo Dowlad la’aanta ka jirtay Somalia.

255590cookie-checkDigniino laga soo Saaray Khilaafka Dowlada Federaalka & Maamulada Gobolada uu Wiiqi kara Rajada Deyn-cafinta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com