Share the post "Digniino laga Soo Saaray Sameynta Lacagta Dollar-ka Ee Dhaqaalaha Dalka Somalia"
Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay in Dhaqaalaha iyo Siyaasada Aduunka uu si hoose isbedel ugu socdo, iyadoo Qaranigii ugu dambeeyay gaar ahaan Sanadihii 70-kii ay Dowladda USA ku guuleystay in Dollar-ka iyo Shidaalka la isku xirto ayna noqoto Lacag Aduunka oo dhan Saameyn ku yeelata…
Waxaa hadda muuqda ifafaalo looga guuraayo Sameynta Lacagta $, waxaana hormuud ka ah Dowladaha BRICS waana Isbaheysi ay ku bahoobeen Dalalka Brazil, China, India, Russia iyo SouthAfrica, kuwaasoo loo aqoonsaday Quwado leh awood Ciidamo/dhaqaale oo kor u soo kacaaya, isla markaasna sameystay Bangi ka dhaxeeya oo la tartama Hey’adaha World Ban iyo IMF oo ah kuwa ay si gaar ah u maamulo Dalka Mareykanka kana dhigay Hub uu u adeegsado Dalalka Siyaasadihiisa ka horyimaada.
Khabiirada arrimaha. Siyaasada Dhaqaalaha ay sheegeen, in Qiimaha US$ uu hoos u dhacay 60%, waxaana lagu sababeeyay in Dalalkaan ay go’aansadeen in Ganacsiga ka dhaxeeya lagu kala iibsado Lacagadooda ama tan China ee Yuan, waxeyna ku sababeeyeen in USA & Europe ay meel kaga dhaceen “International Rule” kaasoo la dejiyay 1948-dii, waxeyna sidoo kale ku eedeeyeen in Dhibaatada Falastiin ay hortaagan yihiin la xaliyo iyagoo la saftay Israel.
Hadaba Dowlada, Shirkadaha, Ganacsatada iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo xiligaan 100% isticmaala Lacagaha Dollar-ka, miyeey ku baraarugsan yihiin dhibaatada ku soo fool leh, mise weli waxey aamisan yihiin in Lacagta $ uu Aduunka weli heysto, waxaana u soo jeedinayaa in Plan B la diyaariyo si Dhaqaalaha iyo Hantida loo badbaadsado, iyadoo la maalgashanaayo Dahabka.